Shan Ruux ayaa ku dhimatay gantaal lagu dhuftay anteenada TV ga Kyiv

Kooxaha gargaarka degdega ah ee Ukraine ayaa waxay sheegeen in shan ruux ay ku dhimatay weerar Ruushku ku qaaday anteenada television ka Kyiv.

Ma cadda in anteenada qudheeda la beegsaday maadaama ay wali taagan tahay, laakiin qaraxa gantaalka wuxuu hawada ka saaray qaar kamid ah warbaahinta Kyiv.

Sidoo kale Saraakiisha Gurmadka deg dega ah ee magaalada Kharkiv ayaa sheegay in ugu yaraan 20 qof ay ku dhaawacmeen duqeynta loo geystay xafiiska maamulka gobolka ee magaalada Karkiv.

Muuqaal la soo dhigay barta Facebook-ga, ayaa muujinya shaqaale ka tirsan kuwa gargaarka deg-degga ah oo ku sugan bannaanka dhismahaasi oo uu burbur xooggan soo gaaray.

Shaqaalaha gargaarka deg-degga ah ayaa sheegaaya in qeyb ka mid ah dhismo weyn oo uu dhow xafiiska maamulka gobolka ee magaalada Kharkiv uu soo dumay, dad badan ay ku xanibanyihiin burburka hoostiisa.