Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa sanad ka hor maanta oo kale loo dhaariyay gudashada wajibaadka Qaran ee ka saaran xilka Madaxweyne, markaas oo loo doortay.
8-February 2017 Doorasho ka dhacday Muqdisho ayaa Madaxweyne (Farmaajo) waxa uu kaga soo baxay si lama filaan ah musharaxiin gaarayay 22 oo kula tartamayay kursigaan.
Intaasi kadib shacabka reer Muqdisho ayaa maanta aragtiyo kala duwan ka dhiibtay mudada sanadka ah ee laga joogo Doorashadii Madaxweyne Farmaajo, waxyaabaha Dowladda u qabsoomay iyo dib u dhaca jira.
Qaar ka tirsan shacabka ayaa sheegay in Dowladda ay wax badan ka qabatay balanqaadyadii ay sameysay, waxayna tusaale u soo qaateen arrimaha ammaanka, arrimaha dhaqaalaha iyo dib u dhiska dalka, waxayna ku baaqeen in Dowladda ay sii wado dadaalkeeda.
Balse fikrad ka duwan midaas waxaa qaba shacabka qaarkood, oo sheegaya in Madaxweynaha uusan qaban wax badan oo horey u balan qaaday, sidoo kale waxa ay sheegeen xukuumaddan in ay tahay midii afka oo aanay muuqan waxqabadkeeda.
Balanqaadyadii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa markii la doortay balanqaadyadii uu sameeyay waxaa ka mid ahaa inaanay jiri doonin wado la xirayo, balse balanqaadkaas ma uusan fulin, maadaama mararka qaar wadooyinka magaalada la xiro maalinkii laba jeer.



