Shacabka Faransiiska oo doorasho u dareeray Saaka

Ammaanka goobaha codbixinta dalka Faraciiska ayaa si weyn loo adkeeyay xilli Saaka dadka kunool Faranciiska ay doorasho u dareereen.

Doorashadaan ayaa ah doorashada Madaxweynaha Faransiiska waxaana ku hardamaya Musharaxiin gaaraya 5.

Ciidamada Boolis ah oo gaaraya 50,000 iyo  7,000 oo ah Ciidamada kale ee Faransiiska ayaa doorashadaan si weyn u ilaalinaya.

Dadka codkooda dhiibanaya ayaa qaba cabsi weyn oo ah in ay dhacaan Weeraro Argagixiso.

Dhawaan dalka Faransiiska waxaa ka dhacay Weerar ay Mas’uuliyadiisa ay sheegatay kooxda Daacish.