Laba qarax oo nooca miinada dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa ay ka dhaceen laamiga dheer ee degmada Kaxda, hallaas oo ay ku dugnaayeen Dhalinyaro aad u farabadan.
Halka uu qaraxa ka dhacay ayaa aheyd meel inta badan dhalinyarada ay sawiro ku galaan, sidoo kalena Muuqaalada Tiktok ay isaga duubaan, isla markaana xilliga qaraxa dhacayay ay aheyd waqti dad badan ay joogeen oo Rag iyo Dumar isugu jiray.
Guddoomiyaha degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhinteen 5 Dhalinyaro ah, halka ay ku dhaawacmeen 8 kale oo dhamaantood ahaa dhalinyaradii Goobta ku sugneyd.
Ciidamo katirsan laamaha Amniga degmada Kaxda ayaa tegay Goobta uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo gurmad xoogan u sameeyay dadka ku dhaawacmay qaraxa.



