Kenya-RisaalaFM- Waxaa faah faahino dheeraad ah laga helayaa weerar xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ay ku qaadeen degaanka Fino oo hoostaga Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.
Saraakiisha Hay’adaha ammaanka dalka Kenya ayaa sheegay ragga weerarka geystay in ay toogasho ku dileen Shan Askari oo ka tirsan Ciidamada Kenya, kuwaasi oo ku sugnaa bar ay isugu yimaadaan Ciidamada.
“Shan askari oo Boolis ah ayaa ku dhintay weerarka, Saddex Askari oo kale ayaa dhaawac uu soo gaaray, oo mid ka mid ah xaaladiisa ay halis ku jirto, Shabaab in ay weerar ka geystaan Kenya waxaa u sahleysa iyada oo aan xuduud la leenahay Soomaaliya,” Ayuu yiri Eric Oronyi, oo ah kuxigeenka guddoomiyaha degaanka Lafey ee Magaalada Mandera.
Wuxuu kaloo sheegay Guddoomiye ku xigeenka degaanka Lafey in Al-shabaab ay jareen isgaarsiinta Shirkada Safaricom, ka hor inta aysan weerarka ku soo qaadin xarunta Booliska ee degaanka Fino, wuxuuna tilmaamay in wixii xiligaas ka dambeeyay uu xumaaday xiriirka isgaarsiinta.
Wasiirka Amniga dalka Kenya ayaa 28-kii bishii February ku dhawaaqay in Ciidamo cusub oo dheeraad ah dhowaan la geynayo xuduuda ay wadaagaan dalalka Kenya iyo Soomaaliya, kadib weeraro laga cabsi qabo Shabaab in ay geystaan.
“Waxaan ku soo kordhineynaa Gobolka Waqooyi Bari Ciidmo ku filan gaar ahaan dhanka wajeer, laakiin waxaan idin leeyahay amniga rasaas laguma sugi karo ee waa in shacabka ay la shaqeeyaan ciidamada.” Ayuu yiri Wasiirka Amniga.
Bartamihii bishan weerar xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ay ku qaadeen Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya ayaa waxa ay ku dileen Saddex Macalimiin ah, xilligaasi wixii ka dambeeyay Macalimiinta ayaa bilaabay in ay u qaxaan Magaalada Nairobi.