Al Shabaab ayaa soo bandhigay magaca shaqsigii kaxeynaayay gaarigii ku qarxay afaafka hore Kontoroolka Tiyaatarka Qaranka oo ka agdhow Madaxtooyadda Soomaaliya, 22-kii Bishaan.
Jamaal Jeyllaani Nuur oo Shabaab dhexdiisa looga yaqaanay (Cabdulxaaq) ayaa wuxuu noqday ninkii ka xeynaayay gaarigii ku qarxay Kontoroolka Tiyaartaka Qaranka ee ay dadka badani ku dhinteen.
Jamaal Jeyllaani Nuur waxaa uu ka tirsanaan jiray dagaalyahanadii Al Shabaab ee ka hawlgali jiray magaalada Muqdisho, xilligii Shabaab furamaha dagaalka Shabaab ay ku lahaayeen Muqdisho.
Ku dhawaad 30 qof ayaa ku dhimatay Qaraxii ka dhacay Tiyaatarka Qaranka, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay tiro intaasi ka badan sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta dowladda.
Shabaab ayaa waday Sanadyadii ugu dambeeyay in ay soo bandhiggaan Magacyadda dadka Isqarxiya ama fuliya weerarada ka dhaca Magaalada Muqdisho.



