Shabaab oo soo bandhigay askar ay sheegeen Jubbaland inay ka soo goosteen

Al-Shabaab ayaa Magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe ku soo bandhigay Saddex Askari oo ay sheegeen in ay ka tirsanayeen Maamulka Jubbaland.

Waxa ay sheegeen Al-Shabaab in ay kasoo baxeen Saddexdaasi Askari ciidamada maamulka Jubbaland gaar ahaan kuwa ilaaliyadda Madaxtooyadda.

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa baahisay in raggaan ay lasoo goosteen hubkii ay ku ilaalinaayeen Madaxtooyadda maamulka Jubbaland.

Jubbaland weli kama aysan hadlin Ciidamadaan Shabaab ay sheegeen in ay kasoo goosteen dhanka Jubbaland.

Sidaan oo kale Ahabaab ayaa dhowr mar soo bandhigay askaray sheegayaan in ay kasoo goosteyn dowladda.