Putin oo martigelinaya Abe si ay uga wadahadlaan jasiirad 70-sano jir ah

Tokyo iyo Moscow ayaa waxaa ka dhex taagan muran dhuleed ku aadan dhanka ilaa afar jasiiradood oo ay qabsadeen ciidammada midowga Soofiyeeti maalmihii ugu dambeeyay ee dagaalkii labaad ee aduunka.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa lagu wadaa in uu marti-galiyo Ra’iisul-wasaaraha Japan Shinzo Abe si ay wadahadal uga galaan arrimahaan ku saabsan khilaafka jasiiradda oo muddo dheer ka hor istaagay labada dal in ay soo afjaraan oo heshiiska nabadda rasmi ahaan uga gaaraan oo loo dhammeeyo.

Abe ayaana la filayaa booqashada uu ku tagayo maanta oo Talaado ah uu noqonayo kii 25-aad ee isaga iyo Putin ay kulmaan tan iyo sanadkii 2013-ka, taas oo muujinaysa dadaalkooda ah in la kordhiyo wada-shaqeeynta inkastoo tobaneeyo sano ay ka jirta is afgaran waa jariidada Kuril.

Ciidamadii Soofiyeeti waxay qabsadeen afarta jasiiradood, oo u dhexeeya Badda Okhotsk iyo Badda Baasifiga, maalmaha ugu dambeeya ee Dagaalkii Dunida ee Labaad.

Tokyo ayaa diidday inay aqoonsato madax banaanida jasiiradda la yiraahdo Kurilska ee dhanka Ruushka ah iyo Waqooyiga Territoriska oo Japan ah, ayaana ah mida kahor istaagtay waddada nabadda muddo toddobo sano ah.

Inkasta oo ay jirto diblomaasiyiin labada dhinac ka socotay ay kulmeen bishii November ee sanadkii tagay, markii labada hoggaamiye ay isku raaceen in ay xoojiyaan wada-hadallada nabadda, hadallada dhowaantan ka soo yeeray labadaba waxay hoos u dhigeen rajada laga qabay.