Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland, waxaa ay Muddo kordhin ay u sameeyeen Waqtiga Madaxweynaha cusub ee kusoo dhisaayo Golaha Wasiiradda.
Madaxweynaha ayaa hortagay xildhibaanada , waxaana uu ka codsaday in la siiyo waqti dheeraad ah oo dhan 15 Cisho si uu u so dhiso Xukuumad tayo leh.
45 Xildhibaan ayaa Ogolaatay in waqti Kordhin loo sameeyo Madaxweynaha si uu u soo dhiso Xukuumadda, waxaa diiday 1 Xildhibaan, waxaana ka aamusay 4 Mudane.



