Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Madaxweyne Dani oo loo Kordhiyay Waqtiga uu kusoo dhisaayo Xukuumadda

Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland, waxaa ay Muddo kordhin ay u sameeyeen Waqtiga Madaxweynaha cusub ee kusoo dhisaayo Golaha Wasiiradda.

Madaxweynaha ayaa hortagay xildhibaanada , waxaana uu ka codsaday in la siiyo waqti dheeraad ah oo dhan 15 Cisho si uu u so dhiso Xukuumad tayo leh.

45 Xildhibaan ayaa Ogolaatay in waqti Kordhin loo sameeyo Madaxweynaha si uu u soo dhiso Xukuumadda, waxaa diiday 1 Xildhibaan, waxaana ka aamusay 4 Mudane.

Exit mobile version