Shabaab oo sheegtay masuuliyadda dilkii Tima-faras

Muqdisho-RisaalaFM- War laga siidaayay Idaacadda Andalus ee ku hadasha Afka Shabaabka ayaa lagu sheegay in xoogag hubeysan oo ka tirsan Shabaab in ay ka dambeeyeen dilkii xalay xaafada Calanleey ee magaalada Kismaayo loogu geystay xildhibaan C/xakiin Jaamac Cilmi (Tima-faras).

Shabaabka ayaa waxa ay sheegeen in dilka kadib ay dagaalyahanadooda u suurtagashay inay isaga baxsadaan xaafadda Calanley ee magalada Kismaayo.

Hay’adaha ammaanka Jubbaland ayaa hawlgal ay xalay ka sameeyen Magaalada Kismaayo waxaa u suurtagashay inay gacanta ku soo dhigaan xubno dhowr ah, kuwaasi oo looga shakisan yahay in ay wax ka ogaayeen dilka.

Wararka, ayaa sheegaya in xilligii la dilayay Xildhibaanka aanay la socon wax ilaalo ah, iyadoona la dilay, xilli uu la taagnaa nin ay is garanayeen.

Xildhibaan Tima-faras, ayaa wuxuu noqonaya Xildhibaankii ugu horeeyay oo ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland, laguna dilo Magaalada Kismaayo.