Muqdisho-RisaalaFM- Ururka Al Shabaab ayaa waxa ay sheegteen weerar qorsheysan oo ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho inay ku dileen sarkaal ka tirsanaa ciidanka dowladda federaalka.
Shabaab war ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegteen weerarkaasi inay ku dileen sarkaalkan oo rag Shabaab ka tirsan ay ka toogteen qeybaha sare ee jirkiisa.
Idaacadda Andalus ee ku hadasha afka Shabaab ayaa baahisay ragga dilka geystay inay horey u sii qaateen qori AK-47 ah oo uu watay sarkaalka dowladda ka tirsan ee la dilay.
Ciidanka ammaanka ayaa hawlgallo baaritaano ah ka sameeyay agagaarka goobta lagu dilay sarkaalkan, inkastoo aysan suuragelin inay gacanta ku dhigaan ragga dilka geystay.
Ururka Al Shabaab ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa ay kordhiyeen weerarada ay ka geysanayaan magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda ee ay la beegsanayaan ciidanka dowladda.


