Bariire-RisaalaFM- Xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa weerar dhowr jiho ah ku qaaday fariisin Ciidanka Dowladda ay ku leeyihiin degaanka Bariire oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, sida warbaahinta Risaala ay u sheegeen maamulka gobolka.
Dagaalyahano ka tirsan Shabaab oo abaabulan ayaa saakay aroortii weerar saf balaaran ah waxa ay ku qaadeen saldhig Ciidanka Dowladda ee degaanka Bariire, halkaasi oo labada dhinac uu ku dhexmaray dagaal aad u qaraar, oo saacad iyo wax ka badan socday.
War Shabaabka ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegeen weerarka ka hor in ay toogasho ku dileen mid ka mid ah Askarta dowladda, kadib halkaasi labada dhinac uu ku dhexmaray dagaal.
Dadka degaanka ayaa waxa ay sheegeen in gobolka degmooyinkiisa qaarkood laga maqlay dhawaqa rasaasta, iyaga oo sidoo kale tilmaamay dagaalkan in uu ka dhashay khasaare kala duwan oo soo kala garay dhinacyadii dagaalamay.
Warar madax banana ayaa sheegay weerarkan in ay ku dhinteen in ku dhow 10 qof, oo u badan dhinacyadii dagaalamay, sidoo kalena ay jiraan dhaawacyo soo gaaray dadka degaanka.
Degaanka Bariire ee dagaalka uu ka dhacay ayaa Ciidamada Dowladda waxa ay ururka Al-shabaab kala wareegeen 19-kii August ee sanadkan, kadib dagaal adag oo ay la galeen.
29-kii September Jimcihii ina dhaaftay Al-Shabaab ayaa Saddex jiho ka weeraray laba xero oo Ciidamada Dowladda ay kaga kala sugnaayeen Bariga iyo Galbeedka Bariire, Waxaana intii uu socday dagaalkaasi la maqlay qaraxyo waa weyn, Qaraxyadan laba ka mida waxay ka dhasheen baabuur Madooyinka qarxa laga soo buuxiyay.
Dadka Odorosa arrimaha ammaanka ayaa waxa ay sheegayaan weerarada Shabaabka ee soo ku soo batay Muqdisho iyo gobolada dalka in ay sabab tahay isdhigasho ka jirta dhinacyada kala duwan ee Ciidamada Dowladda.



