Shabaab oo looga Shakisan yahay in ay gowraceen 9 qof

Kooxo looga shakisan yahay in ay yihiin  Al-shabaab ayaa sagaal qof waxa ay ku gowraceen magaalo xeebeedka Lamu ee dalka Kenya.

Booliska dalka Kenya ayaa sheegay in dadkaan la dilay xilli habeen ah,Balse meydadkooda la helay saakay ka dib markii ay kusoo war galiyeen dadka xaafadda lagu dilay raggaasi.

Afar maalin ka hor ayey koox looga shakisan yahay Al-shabaab waxa ay Saddex Sarkaal oo Kenyaan ah ku dileen xaafad ka agdhaw xaafadaha lagu dilay sagaalkaasi qof.

Goob jooge magaciisa qariyay ayaa xaqiijiyay dhimashada sagaalkaan qof ee la goowracay.

“waxa ay soo weerareen xaafadaha Jima iyo Poromoko waxa ayna ku dileen sagaal qof oo rag ah waxa ay u gowraceen sida digaagii oo kale” ayuu yiri goob joogahaan diiday in magaciisa saxaafadda loo adeegsado sababo amni dartiis.