Labada gobol ee Maroodijeex iyo Togdheer ee maamulka Somaliland ayaa maanta si rasmi ah waxaa uga bilowday bixinta kaararka codbixinta doorashada ee ay dadku ku codayn doonaan doorashada madaxtinimada oo la qaban doono 13 November 2017.
Dadweynaha ayaa hore isu diiwaangeliyay, waxaana qof waliba ka qaadan doonaa kaarkiisa goobtii uu markii hore iska diiwaan geliyey ee uu codkiisa ka dhiiban doono maalinta doorashada.
Gobolka Maroodijeex ayaa tirada goobaha laga bixinayo kaararka waxa ay dhan yihiin 342 goobood, gobolka Togdheer na waa 222 goobood.
Waxaana masuuliyiinta guddiga doorashooyinka Somaliland sheegeen in hawshani socod doonto saddex todobaad.



