Waxaa Maanta Xarunta Jeneraal Kaahiye ee Muqdisho lagu qabtay xaflada Furitaanka Kalfadhiga 2-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 10-aad.
Xaflada Furitaanka waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha, Ra’isal Wasaaraha, Ra’isal Wasaare ku xigeenka Dalka Xildhibaanada labada golle ee Baarlamaanka, qaar ka mid ah Wasiirada Xukuumada Soomaaliya.
Sidoo kale Xaflada waxaa ka qeyb galay Madaxweynayaasha Maamulada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug iyo sidoo kale qaar ka mid ah Wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo iyo Masuuliyiintii la socotay ayaa markii ay gaareen Xarunta Jeneraal Kaahiye waxa ay salaam sharaf ka qaateen Curubyo ka tirsan Ciidamada Booliiska Soomaaliya.
Madaxweynaha JFS Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa si rasmi ah u daah furay Kalfadhiga 2-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 10-aad.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka warbixiyay howlaha horyaalla Kalfadhiga 2-aad iyo sida Waajibka ugu tahay Xildhibaanada iney u fuliyaan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka ka codsaday in ay ansixiyaan sharciyada Muhiimka u ah dalka ee dhawaan Xukuumada ay usoo gudbin doonto.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dowladiisa ay ka dhabeyn doonto balantii ay ka qaadeen shacabka Soomaaliyeed.
Dhanka kale Madaxweynayaasha Maamulada Puntland, Galmudug iyo Jubbaland ayaa ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamaanka in ay ka shaqeeyaan Midnimada sidoo kalena ay wada shaqeyn dhaw la yeeshaan Xukuumada iyo Madaxtooyada Soomaaliya



