Shabaab oo la wareegay degaanka Tarako

Gedo-RisaalaFM- Ururka Al-shabaab ayaa war qoraal ah oo ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan waxa ay ku sheegeen in ay la wareegeen degaanka Tarako oo ka tirsan gobolka Gedo, kadib markii shalay gelinkii dambe ay ka baxeen Ciidanka Kenya.

Shabaabka waxay sheegeen in hada degaanka ay si buuxda ula wareegeen oo ay maamulayaan, ayna halkaasi ka sameeyeen baaritaano, la xiriira saldhigyadii ay deganaayeen Ciidamada Kenya.

Dadka deganaka ayaa sheegay inay arkeen Ciidamada Kenya oo wata gaadiidka gaashaaman iyo kuwa xamuulka in gabaldhicii shalay u dhaqaaqeen dhanka degmada Ceel-waaq, kadibna degaanka ay gudaha u soo galeen xoogaga Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga dalka oo ku sugan gobolka Gedo ayaa Idaacadda Risaala u sheegay in warkan uu jiro, balse hada aysan ka hadi karin, oo dib ay ka faah faahin doonaan.

Ciidamada Kenya ayaa waxa ay degaanka Tarako ee gobolka Gedo la wareegeen bartamihii sanaddii 2015-kii xilligaas oo Milliteriga Kenya ay duulaan ku ahaayeen degmada Baardheere.

Dhanka kale Ciidanka Kenya ayaa 20-kii bishan xilli aroornimo ah waxa ay isaga baxeen fariisimihii ay ku lahaayeen degmada Baardheere ee gobolka Gedo, kadib laba sano oo halkaasi ay ku sugnaayeen.