Shabaab oo la sheegay in Dad shacab ah ay ku Dileen Sh/Dhexe

Wararka ianaga soo gaaraya Deegaanka Biya-Cadde ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in Shabaab ay xalay aqalkii ay daganaayeen ku dhex dileen Wiil iyo Aabihii iyo nin Oday ah oo reerkaasi Marti u ahaa.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeellaha Dhexe oo la hadlay ayaa sheegay in ay gaareen tuulada uu xalay dilka ka dhacay si ay baaritaano u sameeyeen, isagoo intaa ku daray in ay ku raad joogaan Raggii ka dambeeyay dilkan.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeellaha Dhexe  ayaa intaa ku daray in aysan ogeyn sababta ay u dileen Qoyskaasi, iyagoo baxsaday kadib markii ay dilka geysteen.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka iyo kan dagmada ayaa saakay gaaray deegaanka iyagoo ka qeyb qaadanaya Aaska Saddexda Qof eexalay Shabaab ay ku dileen Gobolka Shabeelaha Dhexe.