Shabaab oo isaga baxay deegaano ka tirsan Galgaduud

Wakaalada Wararka u faafisa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay baahisay in dagaalyahanada Shabaab ay isaga baxeen, degaannada Ceel-baxay,Goola-goole iyo Dudun-cad, oo dhanka Koofureed ka xiga Degmada Guri-Ceel ee Gobolka Galdauud.

Waxa kale oo ay baahisay in Shabaabka isaga baxay deegaanadaasi ay u jiheystay dhanka Degmada Ceel-buur, halkaasi oo ay aad ugu xooganyihiin Shabaab.

Dhowaan ayey ahayd markii uu Wasiirka amniga ee maamul goboleedka Galmudug, Saadaq Sheekh Yuusuf, sheegay in ay isugu yeereen Saraakiisha Ciidamada, si ay ugu diyaar garoobaan howl-gal ka dhan ah Al-Shabaab si looga saaro degaannada ay Gobolka kaga sugan yihiin.

Dowladda Soomaalaiya iyo dowlad goboleedyada ayaa axa ay dhaaanahaanba si darder leh u xoojiyeen dhaq dhaqaaqyada ciidan ee Shabaab lagaga saarayo deganada ay weli heystaan.