Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Hay’addaha ka howlgalla Baydhabo

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta kullan la qaatey Hay’adaha ka howlgala deganada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kullanka waxaa ka soo qeyb galey Wasiiro ,Xildhibaano, Guddoomiyaha Gobolka Baay, duqa Magaalada Baydhabo, Guddoomiyaha Gobolka shabeellaha hoose iyo Mas’uuliyiinta hay’adaha ka howlgala Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Inta kullanka uu socday waxaa Warbixino looga dhageysanaayay Hay’adaha seddaxdii bilood ee la soo dhaafey wax yaabihii u qabsoomey.

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicsiis Xasan Mohamed ayaa uga mahadceliyay hay’adaha shaqooyinka ay wadaan, waxa uuna faray in ay gargaarka gaarsiyaan guud ahaan Degmooyinka iyo Deeganada KGS oo aysan ku ekaanin Baydhabo.