Shabaab oo gacmaha ka jaray 2 nin

Bakool-RisaalaFM- Shabaab ayaa gacmaha ka jaray Labo nin, kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay jabsadeen Dukaan ku yaallay Degmada Tiyeeglow ee Gobolka Bakool, ayna kala baxeen lacag badan.

Saakay aroortii ayaa labadan dhalinyarada ah Fagaare ku yaalla Magaalada Tiyeeglow ee Gobolka Bakool la keenay iyadoo dadka Magaalada la isugu yeeray si ay u daawadaan xukunka gacan goynta ah.

Aadan Muxamed Nuur oo 42 Sano jir ah iyo Isxaaq Aadan Xasan oo 23 jir ah ayaa lagu kala magacaabaa Labada nin ee Shabaabka ay ku fuliyeen xukunka gacan goynta ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolada Baay iyo Bakool ee Shabaab ayaa sheegay in Labada Nin ay xadeen lacag dhan 12 Milyan oo Shilin Soomaali ah.