Beledweyne-RisaalaFM– Wararka inaga soo gaaraya Duleedka Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Shabaab ay ku dileen 5 nin.
Dadka Deegaanka ayaa Risaala u sheegay 5-ta nin ee ay Shabaabka dileen in ay ahaayeen kuwo halkaasi Isbaaro ay u tiilay.
Dadka Deegaanka ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in cabsi ay soo wajahday, maadaama Shabaabka halkaasi ay ku dileen 5 ruux.
Waxgaradka Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan iyo Dadka Deegaanka ayaa wada qaban qaabo ku aadan sidoo Meydadkaasi loo soo qaadi lahaa, kadibna loo aasi lahaa.


