Beledweyne-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Duleedka Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Ciidanka Dowladda ay ka wadaan Howlgallo ka dhan ah Shabaab.
Dadka Deegaanka ayaa Risaala u sheegay in saakay ay ku waabariisteen Ciidamo fara badan oo gaaf wareegaya Deegaanka, kuwaas oo mid mid u baaraya guryaha.
Howlgalladan ay ku dhaqaaqeen Ciidamada ayaa wararku sheegayaan in ay ka socdaan deegaanada ku dhow Beledweyne iyo wadooyinka soo gala Magaaladaasi.
Saraakiisha Ciidanka Dowladda Federaalka ee Howlgaladan horkaceysa ayaa Risaala u sheegay in ujeedka Howlgadan ay yihiin kuwo Shabaab looga saarayo Deegaanada ay ka joogaan Gobolka Hiiraan.


