Gaalkacyo-RisaalaFM- Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Dagaalka maanta ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, kaas oo u dhaxeeyay Maamullada Puntland iyo Galmudug.
Dagaalkan oo ka duwanaa Dagaaladii horey uga dhici jiray Gaalkacyo ayaa waxa uu bilowday saakay aroortii waxaana uu soo gaaray duhurnimadii maanta.
Intla la xaqiijiyay Dagaalka ka dhacay Gaalkacyo ayaa waxaa ku dhimatay inka badan 10 Qof, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro ka badan 15 Qof, sida ay Risaala u sheegeen saraakiisha caafimaadka.
Dhinacyada Puntland iyo Galmudug oo ka kala hadlay Dagaalkan ayaa midba midka kale ku eedeeyay, waxaana bur buray heshiiskii Magaalada Dubai ay ku gaareen Madaxda Puntland iyo Galmudug.
Waxgaradka Gobolka Mudug ayaa wada dadaalo lagu xalinayo colaada ka taagan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.



