Real Madrid iyo difaaca ruug-caddaaga ah ee Sergio Ramos ayaa gaadhi kari la’ heshiis cusub oo laacibkan kusii hayana Santiago Baernabeu, kaas oo la sheegay in xilli uu qandaraaskiisu dhow yahay aanay wali kooxdu usoo bandhigin heshiis muddada loogu kordhinayo.
Sergio Ramos ayaa qandaraaskiisu ku egyahay badhtamaha sannadka dambe ee 2021, waxaana wakiilkiisa Rene oo ay walaalo yihiin uu bishii February sheegay in aanay wali dhinaca Real Madrid ka haynin wicitaan ay kaga dalbanayaan in qandaraaska lagu kordhiyo.
Los Blancos waxay aaminsan tahay inay haysato waqti ku filan oo ay wada-xaajood heshiis cusub ah kula geli karto 35 jirkan marka ay dhamaato mushkiladda xanuunka Coronavirus.
Labada dhinac waxay isku khilaafsan yihiin waqtiga uu noqonayo muddada cusub ee heshiiska la saxeexayo, waxaana uu Ramos doonayaa in laba sannadood la siiyo si uu usii joogo Santiago Bernabeu illaa ay da’diisu ka noqonayso 37 jir, balse taasi waxay kasoo horjeeddaa siyaasadda kooxda oo dhigaysa in ciyaartoyda ay da’doodu gaadho marxaladdaas kaliya hal sano la siiyo kaddibna hal kale lagu daro haddii ay macquul noqoto.



