Bandow lagu soo rogay degaanada Hirshabeelle

Wasiirka wasaaradda amniga Dowlad-Goboleedka  Hirshabeelle Xilibaan,  Maxamed  Cabdiraxmaan Kheyre  ayaa sheegay in Caawa  Salaada Cisho  wixi ka dambeeya degaannada Hirshabeelle  uu ka dhaqan gali doono Bandow socon doona illaa Salaadda Subax, kaas oo looga golleeyahay  ka hortaga Cudurka Covid19.

Laamaha amniga Hirshabeelle ayuu Wasiirka ugu baaqay inay  dhaqan galiyaan amarrada lagu soo rogay degaannada Hirshabeelle

Wasiirka ayaa mas’uuliyiinta 2 da Gobal ugu baaqay inay ka qey qaataan la dagaallanka qaadka oo si qarsoodi ah loosoo galiyo qeybo ka mid ah Hirshabeelle.

Inta Madaxda maamulka Hirshabeelle ayaa lagu karantiilay Magaalada Jowhar ka dib markii Wasiir dowle ka tirsanaa maamulkaasi laga helay Corona Virus.