Shirkadda maalgelinta dibedda u qaabilsan boqortooyada Saudi Arabia ee PIF ayaa qarka u saaran inay si buuxda u dhamaystirto iibka mid ka mid ah kooxaha facaweyn ee ka dhisan waddanka Ingiriiska.
Shirkadda PCP Capital Partners ayaa wada-hadallo heerkoodu sarreeyo kula jirta Mike Ashley oo ah mulkiilaha Newcastle United oo muddo 13 sannadood ah kooxdaas iska lahaa, waxaana macluumaad la helay ay caddaynayaan waxyaabo badan oo iibka kooxda ah la dhamaystiray oo kaliya waafajinta shuruucdu hadhsan yihiin.
Amada Staveley oo ka socota PCP Partners iyo Shirkadda Saudi Public Investment Firm (PIF) ayaa lagu warramay inay ku jiraan wada-hadallo ay ku iibsanaan Newcastle United, laakiin ma cadda sababta PIF si gaar ah loogu xusi waayay iibka oo ay ugu jirto daaha dabadiisa xilli mulkiileyaasha dhabta ah ee kooxda iibkeeda ku lug leh ay yihiin boqortooyada Saudi Arabia oo diyaar la ah inay bixiso malaayiinta Gini ee iibka iyo sidoo kale maalgelin ay ku samayn doonaan marka uu suuqu furmo.
Document-yada la helay waxay caddaynayaan in Ashley uu ogolaaday in lacagta kooxda uu ku iibinayo ay qaab deyn ah oo kale ku baxdo oo lagu yeesho PCP, taas oo ahayd mid mar horeba laga sugayay inuu qaabeeyo sida lacag bixintu noqonayso si heshiiska iibka loo gaadho.



