Saxiixa ugu horreeya ee Liverpool xagaagaan oo la shaaciyay

Daafaca kooxda Olympiacos Kostas Tsimikas ayaa lagu soo waramayaa inuu kusii jeedo kooxda Liverpool oo la gaartay heshiis ku kacaya £ 11.75m.

Wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan mustaqbalka 24-jirka ayaa soo kordhayay maalmihii lasoo dhafay, iyadoo Liverpool iyo Leicester City labadaba la sheegay inay xiiseynayaan inay geeyaan Premier League.

Sikastaba, sida laga soo xigtay shabakada Goal, kooxda Jurgen Klopp ayaa ku guuleysatay loolanka loogu jiro ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Griiga, kaasoo qarka u saaran inuu soo gaaro Anfield si uu booska difaaca bidix kula dagaalamo Andrew Robertson.

Tsimikas ayaa la filayaa inuu tijaabada caafimaadka u maro kooxda heysata horyaalnimada Ingariiska isbuuca soo socda ka hor inta uusan qalinka ugu duugin qandaraas waqti dheer ah.

Daafaca bidix wuxuu soo maray nidaamka dhalinyarada ee Olympiacos wuxuuna 84 kulan u saftay kooxda reer Greek tartamada oo dhan, waxaa kujira 45 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan intii lagu jiray ololihii 2019-20.

Liverpool ayaa horay loola xiriirinayay xiddiga kooxda Norwich City Jamaal Lewis laakiin ma aysan awoodin inay buuxiyaan sharuudaha hehsiiskisia.