Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku heyso inay keenaan ciyaaryahanka Manchester City Bernardo Silva garoonka Camp Nou xagaagan.
Xiddiga reer Portugal ayaa mar kale boos joogto ah ka helay kooxda Pep Guardiola xilli ciyaareedkan, isagoo 52 kulan u saftay tartamada oo dhan, waxaana kujira 34 kulan oo Premier League ah.
25 jirkaan ayaa ku dhibtooday inuu soo bandhigo qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa intii lagu jiray ololaha 2019-20, waxaana laga saaray line-upka kulankii Real Madrid ee Champions League habeenka jimcaha.
Sida laga soo xigtay The Telegraph, Barca ayaa si dhow isha ugu heysa horumarka ciyaaryahanka waxayna isku dayi karaan inay la soo wareegaan inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.
Warbixinta ayaa sheegeysa in kooxda reer Catalan ay ku dhibtoon doonto inay awood u yeelato saxiixa xiddiga reer Portugal laakiin ay u soo bandhigi karaan ciyaartoy heshiis qancin kara, iyadoo daafaca dambeedka midig ee Nelson Semedo uu qeyb ka noqon karo hehsiska.
Bernardo wuxuu uga soo dhaqaaqay Etihad Stadium kooxda Monaco xagaagii 2017.



