SAWIRRO: Shabaab oo soo bandhigay askar ay sheegeen inay ka goosteen Jubbaland

Xoogaga Shabaab ayaa Degmada Jilib ee xarunta Gobolka Jubbada Dhexe waxa ay ku soo bandhigeen saddex askari oo ay sheegeen inay ka goosteen ciidanka Maamulka Jubbaland.

Askartaan ayaa waxaa lagu soo bandhigay Magaalada Jilib, iyaga oo wata hubkooda, waxayna Warbaahinta Ururka Shabaab ay sheegtay inay ka soo goosteen ciidankaan Saldhiga Ciidamada Jubbaland ee deegaanka Buulo gaduud.

Ciidamadan Jilib lagu soo bandhigay oo watay tuutaha ciidanka Militariga, ayaa waxaa ay Shabaab sheegeen inay go’aansadeen ka bixista ciidamada Jubbaland.

Askarta la soo bandhigay oo la hadlay Idaacada Andalus ee afka Shabaab ku hadasha ayaa waxa ay sheegeen inay u dulqaadan waayeen dhibaatooyin kala duwan oo ay sheegeen inay ku haysatay Buulo gaduud.

Jubbaland kama aysan hadlin askartaan lagu soo bandhigay DegmadaJilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Al Shabaab ayaa dhawr mar sidan oo kale horay ugu soo bandhigay ciidamo ay sheegeen inay ka soo goosteen Maamulka Jubbaland.