Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah culima’udiinka Soomaaliyeed iyo guddigii dhaqaale uruurinta ka waday dalalka Kenya iyo Uganda. Kulankan ayaa waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaayeen xubno ka mid ah Golaha Wasiiradda iyo guddiga gurmad Qaran.
Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo hoggaaminayey guddigan Culimada ah ee dhaqaalaha ka soo aruuriyay Soomaalida ku nool dalalka Kenya iyo Uganda ayaa sheegay iney ka xun yihiin dhibaatadii ka soo gaartay dadka Soomaaliyeed weerarkii 14-kii Octobar, isla-markaana ay garab taagan yihiin walaalahooda.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa mahadcelin kadib, ku dhiirrigeliyey hoggaamiyayaasha diinta iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay gacan ku siiyaan dawladda halganka iyo dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab
“Waxaan idin kaga mahadcelinayaa garab istaagiina, maadaama culimada diinta ay meel sare kaga jiraan bulshada waa in dadaalkooda ay ku biiriyaan halgankan dalka lagaga xoreynayo kooxaha nabad-diidka ah. Waa in aynu u midownaa dagaalkan oo laga wada qaybgalo, waxana muhiim ah in culimadu ay qaataan kaalintooda oo ah mid hoggaamineed” Sidaasi ayuu Ra’iisul Wasaare Khayre ka sheegay kulanka.
Ugu danbeyn, Guddigii howlaha dhaqaale uruurinta ka waday dalalka Kenya iyo Uganda ayaa ku wareejiyey Guddiga Gurmadka Qaran $350-kun oo laga soo uruuriyey Soomaalida Kenya iyo $53-kun oo laga soo uruuriyey Soomaalida ku nool Uganda, si loo gaarsiiyo dadkii wax yeeladu ay ka soo gaartay qaraxii Zoobe ee bishii la soo dhaafay lagu gumaaday dad aan waxba galabsan.