Magaalada Muqdisho ayaa maanta si weynn looga ciidaya maalinta Koowaad ee Ciidul Adxaa.
Boqolaal ka mid ah Shacabka Muqdisho iyo Mas’uuliyiinta dowladda ayaa Saaladda ku tukaday Masjidka Isbaheysiga Qaranka ee Muqdisho.
Mas’uuliyiinta dowladda ayaa hambalyo u diray dhammaan Shacabka Soomaaliyeed, waxaana ay ugu baaqeen in la adkeeyo Ammaanka Muqdisho.
Inta badan Wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa xirnaa Ciidii lasoo dhaafay, laakiin Ciidaan waxaa furay dhammaan Wadooyinka Magaalada Muqdisho, taasoo dadka Shacabka u sahashay in ay booqdaan qaraabadooda.



