Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Gaalkacyo iyadoona garoonka Oshco ay ku soo dhaweyeen masuuliyiin ka tirsan Galmudug.
Ku Xigeenka Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay In Gaalkacyo uu u yimid Howlaha Shaqo isagoona intaasi ku daray in Beri kulan Gaalkacyo uu ugu furi doona Hay’addaha Samafalka iyo Galmudug kaasi oo looga hadlayo sidii Galmudug loo taageeri lahaa.



