Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa goor dhow gaaray xarunta Wasaaradda Difaaca Soomaaliya.
Waxaa uu warbixinno ku saabsan diyaargarowga ciidanka ka dhageysan doonaa Taliyeyaasha ugu sarreeya Ciidanka Xoogga Dalka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulan gaar ah la qaadan doono Saraakiisha Ciidamada.
Wasaaradda Gaashaandhigga aya waxaa ka socda Abaabul dagaal oo xooggan.



