SAWIRRO: Madaxweynaha Jubbaland oo Kismaayo lagu soo dhaweeyay

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah oo mudooyinkii ugu danbeeyay uu kaga maqnaa Safar kaas oo uu Magaalada Muqdisho kaga soo qayb galay Shirka wadatashiga Madaxda DFS iyo Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Dhexe.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Gudoonka Baarlamaanka iyo masuuliyiin kale ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka Diyaarada Kismaayo.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in waxyabaha ugu weyn ee kulankaas lagu soo qaaday ay kamid ahayd dardar galinta hawlgalka  Al-Shabaab dalka looga saarayo

Qaraxii Zoobe ayuu sheegay in lagaga jawaabayo hawlgal balaadhan oo lagaga falcelinayo dhacdaadaas.

Waxaa kale oo Madaxweynahu uu xusay in shirkii Kismaayo uu abuuray fursad kale oo khilaafkii jiray lagu xalin karo isagoo hoosta ka xariiqay in uu guul kusoo dhamaaday shirka Muqdisho.