Ugu yaraan lix qof, oo uu ku jiro Mudawaanin u dhashay Mareykanka ayaa ku dhintay kacdoonka aan joogsiga laheyn ee ka socda dalka Nicaragua oo ku yaalla Bartamaha Qaaradda Ameerica.
Warbaahinta ayaa baahisay in dadka banaanbaxaayay loo adeegsaday Xabado noolnool taasoo sababtay Geeridda Xalay 6 qof oo Shacab ahaa sidda uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska.
Magaalooyinka Managua, iyo Masaya ayaa banaanbaxyadda waxan hoggaaminaya kooxda garabka midig.
7 Qof oo uu jiro Sarkaal ka tirsan Booliska ayaa sidoo kale ku dhintay Banaabaxyo ka dhacay Magaalada Masaya.
Dadka banaanbaxa sameynaya ayaa ka dalbanaya Madaxweynaha dalkaasi Daniel Ortegga oo 72 sano jir ah in uu xilka ka deggo, Maadaama lagu eedeeyay Musuq maasuq iyo Xasuuq dad Shacab ah.



