Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa waxaa uu goodhow safar dhinaca dhulka ku tegay Magaalada dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.
Xaaf oo xalay ku hodey Magaalada Gelinsoor,isaga oo ka yimid Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa maanta barqadii kusoo dhaweeyey duleedka deegaanka Godinlabe,Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa,Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka,iyaga oo ugu dambeyn soo gaarey Magaalada dhuusamareeb.
Mas’uuliyiinta Maamulka Magaalada dhuusamareeb qeybaha kala duwna ee bulshada ayaa Magaalada Dhuusamareeb waxaa ay kusoo dhaweeyeen Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ay Godinlabe kasoo wadeen Madaxweynaha Galmudug & kuxigeenkiisa.
Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ugu dambeyn ogolaaday in uu xilka wareejiyo ayaa Galabta ilaa Caawa waxaa uu Magaalada Dhuusamareeb ka wadi doonaa kulamo kala duwan oo uu la yeelanayo Mas’uuliyiinta Galmudug.
Xaaf Madaxweynihii hore ee Galmudug iyo Madaxweynaha Cusub Axmed Cabdi Kaariye (Qoor )Qoor) oo haatan ku sugan Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa warbaahinta la hadlaya,iyaga oo ka hadlaya arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaalada Galmudug.