SAWIRO:-Wararkii ugu dambeeyay dabkii Magaalada Dhuusamareeb

Qaar kamid ah Shacabka ku nool Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa ku guuleystay inay demiyaan dab ka kacay booyad Shidaal siday oo taagneyd kaalin shidaal oo ku taalla Magaaladaasi.

Dabka oo aan weli la shaacin sababta keentay ayaa burburiyay qeyb kamid ah Booyada Shidaalka siday oo taagneyd kaalinta shidaal oo ku taalla agagaarka Isbitaalka Xanaano oo ku dhow Xarunta Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug.

Bulshada Magaalada Dhuusamareeb ayaa dadaal badan ku bixiyay, iyaga oo u adeegsaday daminta dabka sakeelo ciid ah iyo biyo booyado lagu keenay ,waxaana xilligaas amaanka xaqiijinayay Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayan in uu jiro khasaaro aan badenyd oo hantiyeed uu geystay dabka,waxaana xusid mudan in Magaalada Dhuusamareeb aysan laheyn xilligaan hal gaari oo dab damis ah.