Man City oo laga qaaday ganaaxii Champions leagu

Maxkamadda Garsoorka Khilaafaadka ciyaaraha ee magaceeda loo soo gaabiyo CAS ayaa ku dhawaaqday go’aanka ay ka gaartay kiiskii Manchester City lagaga mamnuucay tartanka Champions League muddo laba sannadood ah.

Xiriirka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa bishii February ku riday Manchester City ciqaab adag oo ah inay laba sannadood mamnuuc ka yihiin ka qayb-galka tartanka Champions League, sidoo kalena ay tahay inay bixiyaan 30 milyan oo Euro oo ganaax ah. UEFA waxay doodday in Manchester City ay dembi xun gashay, isla markaana ay meel kaga dhacday sharciga dhaqaale wanaagga iyagoo been ka sheegay dakhligooda, si been abuur ahna u buunbuuniyey heshiisyo ay shirkado la galeen.

City ayaa go’aansatay inay rafcaan u qaadato maxkamadda CAS iyadoo rumaysnayd in aanay haba yaraatee wax qalad ah samayn, waxaana dhegaysiga dacwadda oo ay u diratay khubaro sharci lagu soo gabogabeeyey saddex maalmood oo dhegaysi ah oo dhacay bishii hore.

Maxkamadda Garsoorka Khilaafaadka ciyaaraha ee magaceeda loosoo gaabiyo CAS ayaa ku dhawaaqday go’aanka ay ka gaadhay kiiskii Manchester City lagaga mamnuucay tartanka Champions League muddo laba sannadood ah.

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa bishii February ku riday Manchester City ciqaab adag oo ah inay laba sannadood mamnuuc ka yihiin ka qayb-galka tartanka Champions League, sidoo kalena ay tahay inay bixiyaan 30 milyan oo Euro oo ganaax ah. UEFA waxay doodday in Manchester City ay dembi xun gashay, isla markaana ay meel kaga dhacday sharciga dhaqaale wanaagga iyagoo been ka sheegay dakhligooda, si been abuur ahna u buunbuuniyey heshiisyo ay shirkado la galeen.

City ayaa go’aansatay inay rafcaan u qaadato maxkamadda CAS iyadoo rumaysnayd in aanay haba yaraatee wax qalad ah samayn, waxaana dhegaysiga dacwadda oo ay u diratay khubaro sharci lagu soo gabogabeeyey saddex maalmood oo dhegaysi ah oo dhacay bishii hore