SAWIRO:-Wafdi ka socda Midowga Afrika oo soo gaaray Muqdisho

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Saciid Xaaji Maxamuud Dheere, ayaa maanta qaabilay Agaasimaha Xafiiska Guddoomiyaha Midowga Afrika, Danjire Abdoulaye Diop, oo ah ergey ka socda Guddoomiyaha Midowga Afrika, Mudane Moussa Faki Mahamat.

Danjire Abdoulaye Diop, ayaa yimid Muqdisho,isagoo sida farriin uu guddoonsiinayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ”Farmaajo” ayaa ka mahadceliyay soo dhoweynta loogu sameeyay Gegidda caalamiga ee diyaaradaha ee Aadan Cabdulle .

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee habmaamuuska Qaranka, Avv. Xirsi Xaaji Culusow iyo saraakiil AMISOM ka tirsan.