SAWIRO:-Guddoomiye & kuxigeenadiisa oo loo doortay degmada Warsheekh

Golaha Deegaanka Degmada Warsheekh ee gobalka Shabeellaha dhaxe ayaa Maanta waxaa ay degmadaasi u doorteen guddoomiye iyo labadiisa kuxigeen, kadib doorasho lagu qabtay degmadaasi Warsheekh.

Gudoomiyaha degmada Warsheekh ayaa Golaha deegaanka waxaa ay  u doorteen Xasan Maxamed Axmed Darafey oo kamid ahaa dhalinyarada degmadaasi kunool, isaga oo la tartamaya kana guuleystay  Axmed Xuseen Axmed (Shiidka) oo hadda ahaa gudoomiyaha degmada Warsheekh .

Sidoo kale waxaa guddoomiye kuxigeenka koowaad ay u doorteen Golaha deegaanka Degmada Warsheekh Maxamud Maxamed halka Kuxigeenka labaadna ay u doorteen Muxyidiin Maxamed Maalin.

Doorashada ayaa waxaa goob jooga ahaa Madaxwayne kuxigeenka maamul gobaleedka Hirshabeele Cali Cabdulaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Wasiirka arimaha gudaha maamulkaasi Hirshabeele Maxamed Cali Caadle.

Madaxwayne Kuxigeenka Hirshabeelie Cali Guudlaawe ayaa kula dar daarmay doorashada kadib madaxda maamulka cusub ee Maanta la doortay in ay u deegaan shacabka degmadaasi iyo inay la yimaadaan wax qabad wanaagsan, isla markaana ay  kashaqeyaan sidii ay u hormarin lahaayeen degmada.

waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray  Cali Guudlaawe in maamulkooda ay garab taagan yihiin maamulka cusub iyo shacabka degmada Warsheekh maadaama ay noqotay degmadii ugu horeysay ee yeelata golo deegaan.

Golaha deegaanka degmada Warsheekh oo fogaansho ahaan magaalada muqdisho u jirta 70km oo dhanka woqooyi ee gobalka Shabeellaha dhaxe eayaa waxa ay ka koobanyihiin 21 xubnood waxaana la doortay 21kii bishaan.