SAWIRO: Soomaali Banaanbax ka dhigtay Koonfur Afrika

Wararka laga helayo dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ay sheegayaan in qaar ka mid ah Soomaalida ku dhaqan dalkaasi ay Maanta dhigeen banaanbax cabasho ah,kadib dil loo geystay Muwaadin Soomaaliyeed.

Banaanbaxayaasha oo isugu jira Rag iyo Dumar ayaa isugu soo baxay afaafka hore ee Maxkamad ku taalla Magalada Polokwane ee gobolka Limpopo ee dalkaasi Koonfur Afrika.

Soomaalida banaanbaxa dhigeysay oo watay Boor uu ku sawiran yahay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalkaas ayaa dalbanaya inay cadaalad helaan,kadib markii Wiilkaasi meydkiisa markii la dilay la gubay.

Ninkii ka dambeeyey dilka Muwaadinka Soomaaliyed ayaa la sheegay in ay gacanta ku dhigeen Ciidamada Booliska Koonfur Afrika,hayeeshee weli aan wax maxkamada ah la soo taagin taas oo keentay in Soomaalida banaanbax sameeyaan.