Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta daahfuray Shirka heer qaran ee Cilmiga Tignoolojiyada oo ka furmay Magaalada Hargeysa islamarkaana socon doona laba maalmood oo lagu lafa guri doono horumarka dhanka IT-ga ee Somaliland.
Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tijnoolojiyada ayaa waxaa goob joog ka ahaa guud ahaanba Shirkada waa weyn ee Isgaadhsiinta waddanka iyo shirkada ka shaqeeya arrimaha Tignoolojiyada , muddadaa uu socdo shirkaasi waxaa laysku waydaarsan doonaa arragtiyaha iyo aqoonta kala duwan ee IT-ga iyadoo la filaayo inuu kasoo baxo War-murtiyeed.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka hadlay furitaanka shirkaasi ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolijiyada hanaanka wanaagsan ee ay usoo abaabushay shirkaasi, sidoo kalena waxa uu ku amaanay Shirkadaha isgaadhsiinta doorka muuqda ay ku leeyihiin horumarinta Tignoolojiyada Waddanka.
Madaxweyne ku xigeenku ayaa sidoo kale sheegay in loo baahnaa shirkan si loogu eego halka ay marayso Tignoolojiyada waddanku iyo halka aynu higsanayno, waxaana uu shirkadaha iyo Wasaaradda u rajayey in wakhtiga uu socdo shirkaasi uu kasoo bixi doonaan qodobo muhiima oo guul u ah Qaranka.







