Kooxda la-hawlgalayaasha caalamiga ah ee Soomaaliya waxa ay ku dhawaaqeen in ay soo dhaweynayaan furitaanka Shirka Dib-u-heshiisiinta Galmudug ee lagu qabtay Dhuusamareeb.
Waxaana ay hoosta ka xarriiqeen muhimadda geeddi-socodka dib-u-heshiisiin loo dhan yahay in ay tahay tallaabo muhiim u ah qabashada doorashooyinka dowlad-goboleedka Galmudug.
“Waxaan soo dhoweyneynaa ballanqaadka ay muujiyeen dhammaan dhinacyada ay khuseyso geeddi-socodka dib-u-heshiisiin loo dhan yahay oo aan bogaadinno dadaallada Ra’iisul Wasaaraha iyo sidoo kale dowlad-goboleedka Galmudug iyo hoggaamiyeyaasha bulshada si ay u isugu keenaan dhammaan bulshooyinka ” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Beesha Caalamka.
Beesha Caalamka ayaa rajo ka muujisay wada hadalada Galmudug in ay noqdaan kuwa midho dhalo, iyo in Shirku uu asaas u yahay dowlad mideysan oo xasilloon oo ka jirta Galmudug.


