SAWIRO:-Sida Madaxweyne Farmaajo loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo oo ka ambabaxay Muqdisho ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad-goboleedka Galmudug.

Garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magalada Dhuusamareeb,waxaa ku soo dhaweeyay Xubno ay ka mid ahaayeen Wasiirada Amniga iyo Arrimaha gudaha,Xildhibaano ka tirsan labada Aqal, Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug, Saraakiil Ciidan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweynaha oo uu wehlinayo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa waxaa haatan loo gelbiyay Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb halkaas oo ay  ka bilaabi doonaan kulamo kala duwan.

Sidoo kale Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa in uu soo xiro Shirka dib u heshiisiinta beelaha dega deegaannada Galmudug oo in ka badan 10 cisho ka socday Magalada Dhuusamareeb.