SAWIRO: Shirka golaha wadatashiga qaran oo Muqdisho ka furmay

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir gudoomiyay Shirka golaha wadatashiga qaran oo maanta ka furmay Muqdisho.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynayaasha  Jubaland, Puntland,Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Waxaa sidoo kale Shirka ka qeybgalay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre.

Shirka madasha wadatashiga qaran ayaa madaxda Dowlada Faderaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada dalka inta uu socdo looga arinsan doona xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arimaha Amaanka iyo Abaaraha dalka.

 i