Idaacadda Risaala ee Magalada Muqdisho ayaa Maanta qeybisay wajiga labaad ee Barnaamijka (AFURI OO HEL LABA AJAR ) ee Bisha Ramadaan deeq kala duwan oo laga soo kala aruuriyay dhageystayaasha Idaacadda Risaala ,waxaana loo qeybiyey dad barakacayaal ah oo ku nool Xaafada Macaani eee degaanka Garas-Baaleey ee duleedka Magalada Muqdisho.
Deeqa Wajiga labaad ee Barnaamijka Afuri ee Bisha Ramadaan ee Idaacadda Risaala ayaa waxaa la gaarsiiyay 30 Qoys, iyada oo loo qeybiyay Raashin isugu jiray, Bariis, Bur, Sokor, Saliid, Timir, iyo lacag kaash ah.
Ustaad Cabdiweli Yaxye oo ah daadihiyaha Barnaamijka (AFURI OO HEL LABA AJAR) ee kabaxa idaacadda Risaala ayaa sharaxaad ka bixiyay sida qoysaska dantarta ah loogu qeybiyay deeqda ay gaarsiisay Idaacadda Risaala laga soo aruuriyay dhageystayaasha iyo dadka kala socda Baraha Bulshada.
Qaar ka mid ah dadka deeqda lasiiyey ayaa iyana dhankooda waxaa ay uga mahad celiyeen Dhageystayaasha bixiyay lacagta lagu iibiyey deeqda kala duwan iyo Maamulka idaacadda Risaala oo kaalin weyn ka geystay soo aruurinta lacagtaas.
Waa Sanadkii Shanaad oo Idaacadda Risaala ay qabaneyso Barnaamijka Barnaamijka (AFURI OO HEL LABA AJAR ) ee Bisha Ramadaan oo loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed aan waxba heysan,waxaana Afartii Sano ee horay u qabatay Barnaamijka ka faa’iideystay dad farabadan oo ku nool Magalada Muqdisho iyo duleedkeeda.




