Madaxweynaha Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka qeyb-galay Aaska loo sameeyey Marxuum Cumar Carte Qaalib oo lagu Aasay Xabaalaha Baqiic ee Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo qoysaskii, qaraabadii iyo Reer Somaliland kaga tacsiyadeeyey geerida Saddex Marxuum Cumar Carte, isaga oo ka sheekeeyey Taariikhdii iyo halgankii uu ku lahaa Soomaaliya gaar ahaan degaannada Soomaaliand.
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayaan masuuliyiin tiro badan ayaa aaska ka raacay guriga Marxuumka waxaana, isaga oo warbaahinta Goobta Aaska kula hadlay uu yiri “Waxaynu joognaa maanta Geerida iyo Aaska Alle ha naxariisto Cumar Carte Qaalib qof walba oo Af-soomaali ku hadlaa wuu garanayaa Dawladdo badan iyo aqoonyahan badan oo Caalamka kamida, dad badan oo uu wax baray ayaa dalkan wax badan taray oo magac ku yeeshay , February 1960kii markii doorashada la helay ee la geli doono shirkii isku darka wuxuu ahaa Aqoonyahankii ku taliyey waar dib halloo dhigo raacsanaa ee labada Xisbi u kala dab qaaday, markii uu shaqeeyey ee uu Magaalada Hargeysa ka ahaa Dhiisayga (Badhasaab) wuxuu ahaa ninkii ugu horeeyey ee Dibjir guryo loo sameeyo ee sekeda la yirhaahdo Dibjir Band sameeyey, Markii uu Moosko loo magacaabay ee uu Xoghayaha ka ahaa Safaaraddii uu Qeybe ka ahaa Safiirka wuxuu ahaa dadkii diyaariyey Daraafkii uu Cabdirashiid doonayey in ciidamada ay nasiiyaan, kolkii danbena uu safiirkii Addis ababa inta badan ku raagay”.
“Cumar Carte Taariikh la yaab leh buu sameeyey oo siyaasada ah, wuxuu Taariikhda ku gelayaa Cumar Carte markii Siyaad Barre ka leexday majarihii Dawladd ee Soomaali wax u tarayey wuxuu hormuud ka ahaa isaga iyo Ismaaciil Cali Abokor raggii yiri waar joog waad qaldan tahay ee dalka tan ka daa, ayuu yiri” Muuse Biixi.
Ugu danbayntii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxa uu baaq dheer u diray dhalinyarada maanta ee reer Somaliland waxaanu yiri “Dhalinyarada inta i maqalysa waxaan leeyahay raggaasi noloshoodii Somaliland bay u hureen waxaanay u dhinteen halgankii Caafimaad daradii kasoo gaartay dhammaantiin waxaa laydinka rabbaa dabkii ay shideen inaad qaadaan oo Somaliland halkaa ka dhistaan”.