Dhageyso:-Dood ka taagan Guddiyada doorashada & musharixiinta oo go’aan qaadanaya

Weli waxaa jira dood ka taagan Guddiyada doorashooyinka Soomaaliya oo ay soo Magacaabeen dowladda Soomaaliya & Madaxweynayaasha Saddexda Dowlad gobolee ee Hir-Shabeelle, Galmudug & Koonfur Galbeed, kuwaas oo ay qaadaceen Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya iyo inta badan Xubnaha mucaaradka.

Qoraalo is-xig xigay oo ay soo saareen, Guddoomiyaha Aqalka sare, Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya  iyo Xubnaha mucaaradka ayaa waxaa ay ku sheegeen in guddiyada doorashooyinka Heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed laga soo xulay Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya iyo Shaqaalaha dowladda Soomaaliya.

Xukuumadda Soomaaliya oo laga sugayay jawaabta ku saabsan Guddiyada ay qaadaceen musharixiinta Madaxweynaha & Xubnaha mucaaradka ayaan si cad ugu jawaabin marka laga reebo Ra’iisul wasaare kuxigeenka Soomaaliya oo saameyn ballaaran ku leh dowladda Madaxweyne Farmaajo oo dhowr jeer shaaciyay hadalo lagu duraayay Siyaasiyiinta mucaaradka.

Qaar kamid ah musharixiinta Madaxweynaha ayaa muujiyay shaki ay ka qabaan Guddiyada oo ay sheegeen inaan lagu kalsoonaan Karin, waxaana hadalkaasi xoojiyay Mahdi Guuleed Ra’iisul wasaare kuxigeenka Soomaaliya oo shalay goob fagaaro ah ka sheegay in doorashada 2021 wareega 1aad lagu kala bixi doono,sida doorashayooyinkii Galmudug, Hir-Shabeelle & Koonfur Galbeed oo ay kusoo baxeen Madaxweynayaal taageersan Villa Soomaaliya.

Hoos Ka Dhageysoi Warbixinta iyo Wariye Cabduqaadir Jakaarta