Musharrax Madaxwayne Daahir Maxamuud Geelle oo is Diiwaangeliyay ayaa qaatay shahaadada Musharraxnimo ee xilka Madaxwaynaha Soomaaliya.
Waa musharrixii labaad ee Maanta isdiiwaangeliya si ay ugu tartamaan doorashada xilka Madaxwrynaha Soomaaliya oo dhici doonta 15 Bishaan oo ku beegan Maalinta Axadda ah ee soo socota.
Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in uu hiigsanayo 15 May inay dhalato dowlad Soomaaliyeed oo guuleysato,taas oo cid walba ay wax ku leedahay.
Musharrax Daahir Geelle oo hadlay ayaa sheegay in ujeedka musharraxnimsdiisa ay tahay in uu soo afjaro isdsbayaalka dowlad Soomaaliyeed oo fashilan Maalinta 15 Bisha May oo ay dhici doonto doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.
Musharrax Daahir Maxamuud Geelle ayaa maalmihii la soo dhaafay Magaalada Muqdisho ka waday kulamo iyo ololo doorasho oo xoogan, iyada oo uu la kulmayay saamileyda siyaasadeed ee dalka iyo Wakiilada Beesha Caalamka.




